XOG: Lacagtii World Bank uu bixiyay ee Somalia oo ay Puntland iyo Jubbaland sed bursadeen..!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamuladda Puntland iyo Jubaland ayaa isu muujiyay iney ka sareeyaan Maamul goboleedyadda ka jira Somalia kadib markii ay si ka baxsan Cadaaladda u qaateen lacagtii Maamul goboleedyadda iyo Dowladda Federalka Somalia loogu tala galay ee Mushaarka shaqaalaha.

World Bank RCRF II (Mashruuca World Bank ee Shaqaalaha Dawladda iyo Maamul Goboleedyada lagu siinayo Mushaaraadka 5-ta sano ee soo socota)

From June 2015 to June 2020

Budget Allocation:

Federal Government Somalia = $96,750,000

Puntland= Waxaa la siiyay  $22,750,000

Interim Jubbaland Administration= Waxaa la siiyay  $14,230,000

Other Subnational Government (Galmudug, Koofur Galbeed, Banaadir Hiiraan iyo Sh/Dhexe Waxaa la siiyay  = $9,400,000

Total Budget = 143,130,000

Waxyaabaha qiyaaligaa ee la yaabka badan waxaa ka mida gudiyadda la dhisay oo aan lagu qeybsan hanaanka awood qeybsiga.

Members-of-the-TST

Task force (Gudoomiye Wuxuu uga dhigay Wasiirka Arimaha Gudaha Ee Federalka Mr Abdirahman Odowaa)

Darod – 4

Hawiye – 3

DM – 2

Dir – 1

Beesha 5aad. 2

Total = 12

Technical Support Team (Gudoomiye Waxaa looga dhigay Wasiiru dawlaha Madaxtooyada Jubaland Mr Abdigani oo ah Majeerteen/Cumar Maxamuud)

Darood – 4

Hawiye – 2

D/M – 1

UN Advisers -2 (Waxaa loo wadaa Mohamed Abdirisak iyo Nuuradiin oo labadaba ah Daarood/Majeerteen)

Total = 9

Waxaa la isku diidan yahay inaan Guddiga ka koobneen 4.5 iyo in uu Guddiga technical support ga madax looga dhigo Wasiir Maamul Goboleed.

Shirka Guddiga technical support ga oo la rabay inuu maalinta beri ah dhaco Wuxuu u baaqday magacaabista RW CCC oo cadaaladda ka fog oo la isku diidan yahay.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa World Bank iyo Wasiirka Maaliyada Dawladda Federaalka wada saxiixdeen qorshe 5-ta sano oo soo socota Shaqaalaha rayidka Dawladda lagu siinayo mushaaraad,  mashruucaa oo aduun gaaraya 144 Milyan oo Dollar lagu bixinayo.

Lacagtaan oo aan la ogeyn in Deyn tahay ama Deeq la siinayo Somalia,  si kastaba ha ahaatee waxaa soo if baxaysa cadaalad daro xadka ka baxsan oo lagu samaynayo gobolada ugu dadka badan Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com