Arrin colaad hor leh u abuuri karto Puntland iyo Galmudug oo lagu arkay magaalada Gaalkacyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta u ah Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi lagu arkay Meydadka 2 ruux oo la sheegay inay ahaayen dad rayid.

Oogada labadaasi ruux ee Meydka ah ayaa waxaa ka muuqda rasaas, waxaana Meydadkaasi lasoo dhigay Xadka kala qeybiya Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Meydadka labadaasi ruux ayaa la sheegayaa in goobta lagu geeyay gaari, waxa ayna dadku sheegayaan in labadaasi ruux aan goobta lagu dilin balse dilka kadib lasoo dhigay Meydkooda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadkaan ay yihiin dad Musaafur ah oo aan ka soo jeedin Gobolka Mudug islamarkaana loo maleenayo in Koox Burcad ah ay dilka u geeysteen.

Sidoo kale arrinta labadaani Marxuum ayaa waxaan wali ka hadlin Maamulada Puntland iyo Galmudug ee ka kala arrimiya Magaalada Gaalkacyo.

Lama oga sababta ka danbeysay dilka labadaasi ruux waxaana suuragal ah in arrintaani ay colaad u abuurto labada Maamul ee kala didsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com