XASAN oo lagu marti galiyay shir wax u dhibaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha DF Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu ka qeybgali doono shir lagu marti galiyay kumanaan qof oo ay ku jiraan Hogaamiyayaasha qaarada Africa kaasi oo la filaayo inuu ka dhaco caasimadda Jesiiradda Malta ee Valletta.

Shirkaani oo ah mid aad u weyn ayaa waxaa lagu marti galiyay in ka badan 4,000 oo qof oo ay ku jiraan Hoggaamiyayaal sare oo Caalamka, waxaana qeyb ka ah Midowga Europe kaasi oo diirada lagu saari doono Tahriibka iyo sida looga hakin karo shucuubta Afrikaanka ah.

Shirkaani oo ahmiyad gaar ah u leh Dowladaha Africa ayaa waxaa lagu marti galiyay wadamada sida gaarka ah uu u khuseeyo tahriibka sida Somalia iyo Suudaanta waqooyi.

Golaha Ururka Midowga Europe “The EU Council” oo Shirarkaasi qabanqaabinayo waxay ku casuumeen 9 Hoggaamiye Afrikaan oo xubin ka ahaa Shirkii Khartoum Process, waxayna kala yihiin Madaxweynayaasha Somalia, Djibouti, Kenya, Masar, Sudan, Koonfurta Sudan, Ethiopia, Tunisia iyo Eritrea.

Shirka ka furmi doona Jesiiradda Malta ayaa loogu magac-daray Baraarugii Xiisadda Muhaajiriinta ee sannadkan gaaray Qaaradda Europe.

Shirkaani ayaa marka la eego micno ahaan waxbadan u dhibikaro DF Somalia, gaar ahaan Madaxweyne Xassan oo isagu jeebka ku shubtay dhaqaale dhowr jeer ay Beesha Caalamka ugu tallo galeen in shaqo loogu abuuro dhalinyarada Tahriibka doonka ah.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan ayaa lagu wadaa in tagitaanka caasimadda Jesiiradda Malta ee Valletta kadib uu halkaasi ka jeediyo Khudbad khuseysa Soomaalida Tahriibka iyo waxyaabaha sababay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com