Mushaarka ciidamada dowladda oo xal loo helay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamadda xoogga dalka Somalia General: Maxamed Aadan Axmed, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho safiirka Boqortooyada Britain u fadhiya Somalia danjire Harriett Mathews.

Kulanka oo ka dhacay xarunta safaaradda Ingiriiska ku leedahay Xamar, ayaa labada mas’uul kaga wada hadleen taageeradda Ingriisku siiyo ciidanka Somalia, waxayna isku afgarteen in la kordhiyo taakulaynta la siiyo ciidamada Somaliyeed.

Safiiradda ayaa balanqaaday inay bixinayaan mushaaraadka ciidamadda Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 60aad, iyadoo sidoo kale sheegtay inay ka qeyb qaadanayaan dib u dhiska xeryaha ciidamadda si loo xoojiyo tayada iyo tababarka ciidanka.

Dhanka kale danjiraha ayaa ka tacsiyeeyay weerarkii shalay lagu qaaday Hotel Saxafi kaasi oo ay ku dhinteen dhawr iyo toban ruux oo isugu jiray mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan. Britain ayaa dhawaan shaacisay in dalka Somalia gaar ahaan ciidamada Xoogga dalka ka caawin doonaan tababarada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com