25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Sawirro: Ciidamo ajnabi ah oo Xamar ka dagay!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Waxaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad siday Saraakiil iyo Ciidamo ka socda dalka Ugandha.

Ciidamada kasoo dagay garoonka ayaa waxa ay bedelayaan kuwo horay u joogay Muqdisho oo dib ugu laabtay dalkooda.

Ciidamadan cusub oo qayb ka noqonaya AMISOM ayaa waxay bedeli doonaan ciidammo ka howlgalayay gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo uu taliye u ahaa, Col. Silvio Aguma, isla markaana ah ku simaha taliyaha ciidanka lugta ee Uganda, iyadoo ciidamadan Muqdisho soo gaarayna uu taliye u yahay Col. Bob Ogik.

Dowlada Uganda ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan ciidamada ugu badan ee hawl-galka AMISOM, waxaana Muqdisho la keenay sannadkii 2007-dii, iyagoo tan iyo xilligaas ka howlgalayay Somalia.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4

5

6

7

8

- Advertisement -

Read more

Local News