25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Xaqiiqda cidda ku guuleysatay doorashada P/L

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Iyadoo doorasho ka dhacday magaalada Garowe islamarkaana lagu doortay gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa haddana waxaa soo baxaya in madaxweyne Gaas uu ku guuleystay doorashada.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland iyo madaxweyne  ku xigeenka ay taageersanaayeen gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi.

Kulao gaar gaar ah oo xalay ka dhacay magaalada Garowe ayaa lagu sheegay in xubnaha baarlamaanka qaarkood lagu qanciyay iney doortaan Axmed Xaashi oo ay wateen madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in madaxweyne Gaas uu doonay in doorashada uu kusoo baxo Axmed Xaashi maadaama uu yahay ruux uu isaga  watay sidhowna ay isku fahansan yihiin.

Dhanka kale Xildhibaan Dhooba-daareed oo ah musharaxa looga guuleystay doorashada maanta ayaa si cad u sheegay in C/welli Gaas iyo maamulkiisa ay gacan weyn ku lahaayeen doorashada maanta.

“Doorashooyinkii hore kuwo xalaal ah ayay ahaayeen, laakiin doorashada maanta gacan weyn ayay dowladu ku laheyd oo waliba Qaawan”ayuu yiri xildhibaanada Dhooba-daareed.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News