“Talo amni lama siin karo, amaanka Muqdishana wuu afduuban yahay” Waxaa yiri Jeneraal Galaal

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiishii hore ee ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay amni darada kusoo korortay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, oo ay ugu dambeeyeen dilalkii loo geystay xildhibaan Gurxan iyo sarkaal ka tirsanaa hayada SKA.

General Maxamed Nuur Galaal, oo kamid ah saraakiishii hore ee ciidamada xooga ayaa ku dhaliilay dowlada Soomaaliya ineysan sugin amaanka, islamarkaana aysan dhageysan qubarada amniga tallooyinka ay siiyaan.

“Xamar waa qafaalan tahay, gebi ahaanteeda waa qafaalan tahay Xamar. Dhibaatada dhan waxaa weeye nidaamka ay wax u wadaan nimankan masuuliyiinta ahoo siyaasiyiinta ah, ayaa qariban. Laguma karo ciidamada saan haloo sameeyo, saan hala yiraahdo. Taakulayn uma hayaanoo, umana doonayaan.”

“Ma’ogolo xitaa in la yiraahdo war nimanyahow saanu si maahee bal saana ku daya, waxna ma’oga ayagana. Qaabka ay ku socdaan qaab ka duwanaa jira.”

Isaga oo ka hadlay qaabka ugu fudud ee loo xaqiijin karo amaanka magaalada Muqdisho ayuu sheegay in loo baahan yahay wadashaqeyn dhex marta shacabka iyo ciidamada amaanka, islamarkaana ciidamada aysan dhibaateyn dadka shacabka ah.

Wuxuu rajo aan wanaagsaneyn ka muujiyay in laga baxo dhibaatada amni daro ee ka jirto magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in dalka uu burbur kusoo jiray muddo ka badan 20 sano.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com