GAAS oo ku kacay fal argagax iyo cabsi abuuray

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa bilihii ugu danbeeyay bilaabay adeegsiga sifaadka digtaatooriyada kadib markii uu afduubay Siyaasada Puntland.

Madaxweyne Gaas oo doonaayo inuu kusii nagaado kursiga ayaa siyaasado aan looga baran kula dhaqma Siyaasiyiinta Maamulka kadib markii qaarkood uu ugu hanjabay inuu xabsi dhigi doono.

Kulan uu madaxtooyada maamulka kula qaatay tirro Siyaasiyiin mucaarad ku ah Siyaasadiisa ayaa waxa uu kaga digay inay ku fogaadan Siyaasada Maamulka.

Siyaasiyiintaasi oo tiradooda lagu sheegay 8 ayaa waxa uu ugu goodiyay in la xisaabin doono hadalada ay ka sheegayaan saxaafada gaar ahaan kuwa ay siiyaan Idaacadaha ka howlgala Muqdisho.

Sidoo kale, Gaas ayaa Siyaasiyiinta ugu hanjabay inaysan Hoteelada kula kulmi karin Odayaasha lidiga ku ah Siyaasada Maamulka.

Tallaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili uu awood siyaasadeed uga qaaday xilka Gudoomiyihii hore ee BP Siciid Shire isaga oo u adeegsanaayay tirro Xildhibaano ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com