Qorshaha ka dambeeya xildhibanimada Odowaa

WASIIR ODOWAA MA XIL KALAA KA MAQNAA.?! 

Waxaa shalay xil labaad oo culus loo dhaariyay Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, waana wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka oo ka mida wasaaradaha ugu mashquulka badan ee xukuumadda oo howlaha ugu waaweyn ee dalka ay hoos tagaan.

Wasiir C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo siyaasadda dalka dhowaangal ku ah, isla markaana kasoo wareegay dhinaca waxbarashada oo uu hormuud ka ahaa jaamadda SIMAD, wuxuu shaqo dowladeed ka bilaabay wasiir, jagadaas oo dad badan u arkeen intii uu xilka hayay inuu karti muujiyay oo wax badan ka fiican yahay saaxiibadiis golaha wasiirada kula jira.

Sidaasoo ay tahay waxaa al ogyahay in Wasaaradda uu wasiirka ka yahay ay tahay wasaarad weyn oo shaqooyin badan hor yaallaan isla markaana ay aad ugu adag tahay inuu kasoo dhalaalo, haddana wuxuu wasiirku dadaal u galay oo ku darsaday jago cusub oo xildhibaannimo.

Waxaa cad in wasiir Odowaa aanu waqti u heyn xilkan cusub ee kursiga Baarlamaanka, waxaa kaloo marag ma-doonto ah inuu ka maqnaan doono fadhiyada Baarlamaanka shaqooyinka u yaalla dartood, waxaan kaloo shaki ku jirin inay jireen dad fara badan oo uga fiican inay buuxiyaan kursiga baarlamaanka, laakiin aan is weydiinee maxaa Wasiir Odowaa ku kalifay inuu ku fariisto kursigii baarlamaan ee Beeshiisa isagoo haysta kursigii wasiirnimo ee tolkiisa.

Waa su’aal uu jawaabteeda isaga oo kaliya ogyahay, laakiin haddaan isku dayno inaan jilcino waxay noqon kartaa:

  • Hunguri weynida siyaasiga Soomaaliyeed ee xilligan oo aan xilalka dowladnimo ka dhergin
  • Inuu kula tartamayo wasiirada kale ee Baarlamaanka ku jira, ama kursigan oo lagu handadi jiray.
  • Jagada wasiirnimo oo aan la isku hubin
  • iyo Inay tahay qorshe uu wato madaxweynaha oo la eegayo kadib 2016.

Waxay u muuqataa in xilalka dowladda ay noqdeen yool gaaristiisa wax waliba lagu bixiyo oo mararka qaarkood la isku shirqooli karo, qofkii laga disho ama xilka ka dhintana ay sugayaan qolo aakhiro moog ah oo u taagan inay kursigii dhiigiisu qoynaa ku fariistaan..!! ogoobey taasina loolama jeedo in umad wxa loogu qabtee waa dano shaqsiyeed ku soo ururaya magac iyo maal raadis kaliya.

Faallada goobjooge