WARQAD: Go’aan yaab leh oo kasoo baxay DFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa amar ku bixiyay in hawada laga saaro Webseedyo lagu sheegay inay dhibaateeyan Umadda Soomaaliyeed.

Warqad kasoo baxday Xeer ilaaliyaha oo loo gudbiyay Wasaaradda Boostadda, ayaa waxaa looga codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan hawada looga saaro tirro webseedyo ah kuwaasi oo loo aqoonsaday inay yihiin kuwo carqaladeeya Siyaasada Somalia, sida warbixinta lagu sheegay.

Warqada ay soo saartay xeer ilaalinta ayaa waxaa lagu daabacay ilaa 35 Webseedyo kuwaasi oo inta badan la sheegay inay soo bandhigaan arrimo gaar ah.

DF Somalia oo ka adkaan la howlaha horyaal ee loo igmaday ayaa waxa ay dooneysaa inay awood ku maquuniyaan Webseedyo heer caalami oo dhamaantooda laga leeyahay dalka dibadiisa.

Haddalka Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa imaanaya xili DFS lagu eedeeyo inay sal dhig u noqotay amaba ay ku sifowday Musuq-maasuq, waana tan keentay inay ku mashquusho shirkadaha wararka qoraalka baahiya.
Fash1

fash2
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com