Jeesow oo ku dhagan Wasiirka Amniga Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka oo muddooyinkii ugu dambeeyay walaac ka muujinayay amniga magaalada Muqdisho, ayaa waxaa maanta wasaarada amniga la filayaa iney la kulmaan gudiga amniga baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo kamid ah gudiga amniga baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in maanta wasaarada amniga kala hadlayaan  sugida amaanka xildhibaanada iyo helida agabka iyo ciidamada loo qoondeeyay xildhibaanada baarlamaanka.

Daahir Amiin Jeesow, ayaa sheegay in horey loo qorsheeyay in xildhibaan kastaa uu helaa labo askari, lana siiyaa hubka ay xildhibaanada ku difaaci lahaayeen, sida uu sheegay xildhibaanka.

“Qaar kamid ah xildhibaanada oo ka kooban 275 mudane ayaa wali aanan helin waxay xaqa u lahaayeen, oo ah labo askari iyo hubkooda, maanta ayaana wasaarada amniga arimahaasi kala hadleynaa”ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow.

Tan iyo sanadkii 2012, waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay 15 xildhibaan oo kamid ah baarlamaanka haddaa jira, kuwaasi oo lagu badalay 15 kale.

1-dii bishan ayay aheyd markii Xildhibaan Abdidoon lagu dilay hotel saxafi, halka maalmo ka hor Xamarweyne lagu dilay xildhibaan Gurxan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com