Xad-gudubka Kenya oo gaaray inay maamusho ciidamada Ethiopia ee la geyn doono Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan la filaayo in Ciidamo ka socda Dowlada Ethiopia la geeyo magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa waxaa soo baxaayo warar dheeraad ah oo ku saabsan tirada ay noqon doonaan Ciidamada halkaasi la geynaayo.

Col.David Obonyo oo ah Afhayeenka ciidanka Difaaca Kenya, oo ka hadlaayay arrinta ku aadan Ciidamadaasi, ayaa sheegay in Dowlada Ethiopia ay diyaarisay Ciidamada uga howlgali doono Magaalada Kismaayo.

Waxa uu Mr David Obonyo sheegay in dhamaan Ciidamada loo soo wado Kismaayo loo dhameystiray agabkooda, waxa uuna tilmaamay inay ku jiraan diyaar garowgii ugu danbeeyay ee lagu soo gaarsiin lahaa Kismaayo.

Col.David Obonyo wuxuu sheegay in qorshaha uu yahay in 400 oo askari oo Ethiopia-an ah la keeni doono Kismaayo.

Col.David Obonyo oo arrinkaasi ka hadlaayay ayaa yiri ‘’In ciidamo Ethiopian ah Kismaayo la keeni doono waa arrin horay loo shaaciyay hase ahaatee tiradooda waxaa kasoo baxayay warar iskhilaafsan, balse waxaan hubnaa in tirada saxda ah ay noqon doonto 400 askar’’.

Ciidamadaani ayaa bedeli doona Ciidamadii ka socday dalka Sierra leone ee dhawaan Kismaayo ka baxay kuna laabtay dalkooda.

Dhanka kale, Dowlada Kenya ayaa dooneysa in Ciidamada la geyn doono Kismaayo ay qeyb ku yeelato waxaana soo baxaayo warar sheegaya inuu jiro Khilaaf arrintaasi ku saabsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com