Galmudug oo guul weyn ka sheegatay dagaalkii Gaalkaacyo & Cabdi Weli Gaas oo soo abaabulay

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Saraakiisha maamulka Galmudug  iyo Puntland ayaa warbaahinta ula hadlay siyaabo kala duwan iyaga oo isku eedeeyay iney ka dambeeyeen dagaalo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Wasiirka amniga maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur Taardhuleed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay  iney gacanta ku dhigeen ku dhawaad 7 askari oo dhaawac ah kuwaasi oo ladhigay isbitaalka magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada labada maamul ayaa saaka ku dagaalamay xaafadaha Baraxley iyo Garsoor oo ah xaafado kala qeybiya labada maamul ee Puntland iyo maamulka Galmudug.

Wasiir Taardhuleed ayaa sheegay in dagaalka maanta uu masuuliyadeeda qaadanayo madaxweynaha maamulka Puntland sida uu hadalka u dhigay, isagoo sheegay iney doonayaan dhul balaarsi oo ay kusoo xad gudbeen dhulka Galmudug.

Dagaalka saaka ayaa ka dambeeyay markii ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ay isku dayeen iney furaan waddo maamulkaasi ka hergeliyay xadka dhanka xaafadaha ee u dhaxeeya labada maamul.

Inta la xaqiijiyay dagaalka maanta ayaa sababay dhimashada afar ruux oo kamid ah dhinacyada dagaalamay, waxaana dhaawac uu soo gaaray dad badan oo rayid u badan oo ku sugnaa xaafada Garsoor dhanka galbeed ee magaalada.

Labadii todobaad ee lasoo dhaafay waxaa magaalada ka taagnaa xiisada ka dhalatay Isfahamwaa ka dhashay waddo Puntland ka dhisayay magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com