MUQDISHO: QARAX lagu weeraray xarun ciidan

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxaa lagu weeraray Saldhiga Ciidan oo ku yaalla Isgooyska Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Weerarka ayaa waxaa lagu fuliyay Bam gacmeedyo, waxaana lasoo warinayaa in Bamkaasi uu ka dhashay dhaawaca 2 ruux oo midu yahay Askari, halka ruuxa labaadna ay aheyd Haweeney ku sugneyd afafka hore ee Saldhiga.

Ciidamada ayaa Qaraxa kadib ooda ka qaaday rasaas xoogan oo ay u furayeen dhinacyada inkastoo aan wali la soo sheegin khasaaro ka dhashay rasaastaasi.

Maleeshiyaadka weerarkaasi fuliyay ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga baxsadeen goobta qaraxa kadib, mana jirin cid gaar ah oo Qaraxaasi loo qabtay.

Geesta kale, Howlgalo adag ayaa waxa uu saakay ka socdaa degmada Howlwadaag kaasi oo ay fulinayaan Ciidamada Dowlada si ay uga hortagaan weeraro kale oo lagu qaado xarumaha Degmada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com