Dhacdo argagax leh oo ka dhacday dalka Kenya

Muqdisho (Caasimada Online)-Dhacdadaani ayaa waxa ay ka dhacday dalka Kenya kadib markii Askari ka tirsan Taliska Booliska Kenya uu dilay xaaskiisa kadibna uu isaga is dilay.

Askarigaani ayaa la sheegayaa inuu ka dhargay maan-dooriye tankiisa sareeya waxa uuna carro kala duldhacay Xaaskiisa isaga oo go’aan ku gaaray inuu kharijiyo Xaaskiisa kadibna uu xal u arkay inuu isna is dilo.

Saraakiisha Ciidamada oo dhacdadaani la yaabay ayaa waxa ay sheegen in Askariga falkaan ku kacay uu ka howlgali jiray saldhiga Itabua ee magaalada Manyatta ee Countiga Embu.

Askariga falkaasi ku kacay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Paul Rotich waxa uuna dilkiisa ka hor kala eryay Ciidamo kusoo baxay qeylada Xaaskiisa isaga oo markii danbe is dilay.

Xaaskiisa uu dilay ayaa waxaa iyana lagu magacaabi jiray Agnes Wakalia, waxaana lasoo warinayaa inay u dhashay dhowr carruur ah kuwaasi oo xiliga dilka goobjoog ka ahaa goobta.

Haweeneyda la dilay ayaa la sheegay inay lafteedu ka tirsaneyd Taliska Booliska Kenya waxa ayna kawada tirsanaayen Hal saldhig.

Si kastaba ha ahaatee, falkaasi ayaa waxa uu shabahayaa falal inta badan ka dhaca dalka Somalia oo ay geystaan Ciidamada Dowlada oo iyagu mushaar la’aanta heysata ku dila xaasaskooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com