Xog: Xasan oo diyaarsanaaya ciidamo u gaar ah

Muqdisho (Caasimada Online) –Wararka aan ka heleyno ilo ku dhow dhow madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegaya in Xassan uu wado qorsho uu kaga gaashaamanaayo carqalad lagu sameeyo doorashada la filaayo inay ka dhacdo Somalia sanada 2016-ka.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in Xassan Sheekh uu ku jiro abaabul ciidan oo isaga u gaar ah kuwaasi oo uu doonaayo inuu kaga gudbo doorashada.

Ciidamadaani uu abaabulaayo ayaa tirro ahaan lagu sheegay ilaa 600 kuwaasi oo qaar kamid ah iminka dalka dibadiisa loogu diray tababaro ciidan oo socon doona muddo shan bil ah.

Ciidamadaani ayaa la sheegayaa in loo carbinaayo ka hortaga dhibaatooyin ka dhaca dalka, waxa ayna si toos ah uga amarqaadan doonaan madaxweyne Xassan oo mar kale u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Somalia.

Sidoo kale, ciidamadaani ayaa tababarada u qaadanaaya qaab dowladeed, balse waxaa la soo warinayaa inay yihiin kuwo isaga u gaar ah, islamarkaana kala shaqeyn doona dib ugu soo laabashada xilka madaxtinimo.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamadaasi ayaa kabi doona ciidamo kale oo tababaro lagu siinaayo gudaha dalka kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay ilaa 300.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com