Reer HIIRAAN oo diiday damac Faarax C/qaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulamo gaargaar ah oo ka socda magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan oo u dhexeeya Odayaasha Gobolka ayaa waxaa looga soo horjeeda damaca Siyaasadeed ee ku jira Xassan Sheekh iyo Faarax C/qaadir.

Kulamada oo lagu lafaguraayo masiirka Gobolka Hiiraan iyo shirka ka furmaaya magaalada Jowhar ayaa waxaa looga soo horjeestay shirqoolada uu madaxweyne Xassan Sheekh u maleegaayo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxa ayna Odayaashu iminka kusoo baraarugeen wararka sheegaya in Xassan Sheekh uu madaxweynaha maamulka cusub u wado Xildhibaan Faarax C/qaadir.

Abuukar Ahmed oo kamid ah Odayaasha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in suuragal aysan aheyn in madaxweyne Xassan uu Faarax C/qaadir usoo hogaamiyo maamulka loo dhisi doono Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Waxa uu sheegay in Faarax C/qaadir uusan deegaan ku laheyn labada Gobol, haddii ay reerkiisu yihiin kuwa tuullo ka dega Sh/Dhexe, taasina aysan micnaheedu aheyn in Xassan Sheekh uu sida Galmudug u maamuli doorashada, waxa uuna cod dheer ku sheegay inay kasoo horjeedan qorshaha ay isla wadaan Xassan Sheekh iyo Faarax C/qaadir.

Sidoo kale, waxa uu Abuukar tilmaamay in heshiiska uusan kamid aheyn in labada Gobol uu isku soo taago shaqsi aan deegaan ku laheyn Gobolada, taasina ay sii fogeyneyso siyaasadii laga lahaa dhismaha maamulka cusub.

Wuxuu carabaabay inay ka fiirsan doonaan damaca siyaasadeed ee iminka kusoo biiray arrimaha shirka la furaayo, waxa uuna cadeeyay in siyaasada Xassan Sheekh aysan ka hirgali doonin Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Docda kale, waxa uu madaxweyne Xassan ugu baaqay inuu ka fiirsado waxyaabaha colaada dhalinkara ee ka baxsan qorshaha maamulka lagu yagleeli doono, haddii ay dhacdana aysan Jowhar uga qeybgali doonin wax shir ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com