Xog: Maxaa ka jira in Gabre lagu xiray Xamar?!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa baraha bulshada Soomaalidu xiriirto iyo website-yada qaarkood qabsaday maalmahan danbe warar ku saabsan in Muqdisho lagu xiray Gen. Gabre oo ka tirsan mas’uuliyiinta xafiiska IGAD u qaabilsan Soomaaliya, horena u ahaa sarkaalkii hogaaminayay ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya farageliyay sanadkii 2007.

Xilka uu ku magacaaban yahay ka sokow, Gabre waxaa aad loo rumeysan yahay inuu yahay ninka maamula Soomaaliya, ee xitaa madaxweyne Xasan Sheekh uu ka amar qaato.

Xariga la sheegay in loo geystay Gen. Gabre waxaa si weyn u baahiyay shaqsiyaad iyo baro kala duwan iyadoo loo ekeysiiyay mid xaqiiqo u dhow, balse baaritaan iyo xiriiro aanu la sameynay saraakiisha dowladda ayay ku xaqiijiyeen in wararkaasi ay yihiin been abuur iyo wax lagu qoslo.

Gen. Gabre waa diblomaasi aanay suuragal ahayn in la xiro, kagana shaqeeya Soomaaliya isagoo huwan magaca IGAD.

Dowladda Itoobiya ayaa u sheegtay madaxda Soomaalida xilliyo hore oo ay dacwad ka gudbiyeen dhaqdhaqaaqyada Jen. Gabre inuusan ninkaasi metelin Itoobiya oo uu ka tirsan yaya mas’uuliyiinta IGAD.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com