26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Xog cusub oo kasoo korartay shirka MADASHA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa waxa uu kasoo baxayaa shirka ka socda aqalka martida magaalada Kismaayo kaasi oo ay kuwada sugan yihiin Madaxda DF iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxda maamulada dalka qaarkood ay si cad u sheegen inay ku adagtahay in tanaasul ay ka muujiyaan qodobada ay tiigsanayaan.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa sheegay in tanaasul ay muujiyaan ay uga wanaagsan tahay in shirka uusan mirro dhal yeelan.

C/wali Gaas ayaa sheegay in qodobada ay cuskanayaan uu yahay mid ay horay ugu heshiiyeen iyaga iyo madaxweyne Xassan Sheekh balse aysan garaneynin sababta ka danbeysay in Xassan Sheekh uu Somalia ku hago wixii uu maankiisa ka maago.

Madaxweynayaasha Koonfur galbeed iyo Galmudug oo iyaguna wali taagan mowqifkooda ayaa hadana codsaday in dib loo dhigo shirka socda islamarkaana fursado kale lasiiyo madaxda DF iyo kuwa gobolada dalka.

Shariif Xassan iyo C/kariin Gulleed ayaa xal u arka in shirka la dib dhigo, si kulamo ka duwan kan socda ay madaxdu isugu arkaan, waxa ayna ku talinayaan inaan cadaadin lagu sameeyo labada dhan.

Waxaa suurtagal ah in Madaxda Dowladda Somaliya iyo Maamul Goboleedyada, ay shirka ka soo saaraan qodobo ay ku mideysan yihiin, qodobadaasi oo ay suurtagal tahay inuu ku jiro qodob qeexaaya, in shir kale la’isugu yimaado oo ka dhaca Magaalada Baydhabo.

Siyaasiyiinta qaar ayaa soo sheegaaya in natiijada shirka ay tahay mid cakiran, ayna u badan tahay in la taggi doono Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo, iyadoona ay suurtagal noqon karto in Kismaayo lagu soo gabagabeeyo gabi ahaan shirka.

Dhanka kale, Madaxda Dowladda Somaliya iyo Maamul Goboleedyada, ayaa waxay isku khilaafsan yihiin nooca lagu soo xulaayo Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya iyo Dhismaha Aqalka Sare.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News