26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Xog: Puntland oo ka hadashay shirkii Kismaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirweynihii Madasha Wadatashiga Qaran ee hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka ayaa maanta soo gebageboobey iyadoo aan wax natiijo ah oo rasmi ah laga gaarin qodobadii laga kala aragti duwanaa ee ku saabsanaa nooca doorasho ee dalka kaqabsoomi karta sannadkan 2016-ka.

Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay aqalka ay Madaxda Dawladda Federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ahi ka degganyihiin magaalada Kismaayo ku sheegay in mudadii ay madaxdu ku sugnaayeen magaalada Kismaayo Shirarkii ay yeesheen wax baxadan laysaga soo dhowaadey halkii markii hore lakala joogey dedaallo badan oo la sameeyey daraadood.

“Sidaad ogsoontihiinba shirkii kabilowday halkan xalkana loogu raadinayey hiigsiga 2016-ka iyo sidii looga gudbi lahaa muddada dhammaanaysa looga gudbi lahaa runtii meel wanaagsna ayaa lasoo gaadhsiiyey, runtii hadda meeshii aan jooney waan isaga dhownahay”ayuu yiri Dr.Sharma’arke.

Ra’iisul-wasaare Sharma’arke ayaa sidoo kale sheegay in ay weli harsan yihiin waxyaabo u baahan in si farsamo ah loo xalliyo taasna dib loo dhigi doono isla markaasna ay dawladdiisu iclaamin doono xilliga laga wada hadlayo in meesha looga wada hadlayaba.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey oo isugu jirey labada gole ee Xukuumada iyo xubno metelayey bulshada rayidka ayaa madasha shirka waxay kusoo bandhigeen aragtida shacabka Puntland oo ku qotonta in Degmo wax lagu soo doorto iyagoo ku adkaystay aragtidaasi in aanay ahayn mid ay ka noqonayaan.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in aragtida ah in Degmo wax lagu soo doorto ay horseedi doonto in laga gudbo nidaamka qabaliga ah ee dalka iyo dadkaba ragaadiyey isla markaasna laheli doono metelaad dhab ah shacabka soomaaliyeed ka timaadda.

—DHAMMAAD—

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News