28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

“Xasan Sheikh iyo besha caalamka daacad kama aheyn shirkii madasha Kismaayo” Waxaa yiri…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya C/welli Sheikh Axmed Maxamed oo lahadla Saxaafada ayaa dhaliil xoogan u geediyay madaxda dalka Soomaaliya iyo fashilkii kusoo dhamaaday shirkii magaalada Kismaayo.

C/welli Sheikh Axmed ayaa ku eedeeyay in Beesha caalamka iyo hogaanka Soomaalida qaar aysan daacad ka aheyn shirkii magaalada Kismaayo kusoo dhamaaday, isagoo tilmaamay madaxweyne Xasan Sheikh.

C/welli ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay natiijadii Fashilka aheyd ee uu kusoo idlaaday shirkii ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, taasi oo noqotay arin aan la fileysaneynin.

Eeda natiijada la’aanta shirka ayuu dusha ka saaray hogaanka ugu sareeyo dowlada Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada dalka ee ka qeyb galay shirkii magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo xubnaha beesha caalamka ayuu sheegay ineysan daacad ka aheyn shirarka dhacaya, sida uu hadalka u dhigay.

Ka hadlida arimaha Soomaaliya ayuu sheegay iney leedahay dowlada Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, laakiin aysan marnaba suuro gal aheyn in beesha caalamka ka shaqeyneyso sidii Soomaaliya loo horumarin lahaa.

Hoos ka dhageyso codka

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News