25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Dhageyso Guuleed: Inta dadka Somalia laga tira-koobayo, marnaba ma aqbali doonno sedbursi.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo maanta dib ugu laabtay magaalada Cadaado ee xarunta maamulkiisa ayaa sheegay in shirkii Kismaayo ee Madasha Qaran horumar laga gaaray, isaguna uu aamisan yahay in guul lagu gaari doono wadahadalka soo socda.

Wuxuu ku adkeystay in loo baahan yahay in dalka tirakoob ka dhaco oo ciddii is leh inay iyadu dadka ugu badan tahay markaas ay markaas ay soo bixi doonto.

“Inta laga gaaraya tirakoob waan in sidii hore lagu socdaa, dadkii is leh inay sed bursi helaan waxaan leeyahay taasi suuragal maaha…” ayuu yiri Madaxweynaha Galmduug oo ka mid ahaa madaxda ku dhegan in 4.5 lagu qeybiyo labada aqal ee Baarlamaanka.

DHAGEYSO CODKA C/KARIIN GUULEED

[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/01/guuuuulu.mp3″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News