29.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

DFS oo wada qorsho lagula xaajoonayo KENYA!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho(Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka Wasaarada arrimaha Dibadda Somalia ayaa sheegaya in Wasaaradu ay wado qorsho ay wafdi ugu direyso magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Qorshaha socda ayaa ah in Wafdigaasi ay Dowlada Kenya kala xaajoon doonto weerarada cirka ah oo ay kawado Gobolka Gedo, kaasi oo lagu xasuuqaayo shacabka halkaasi ku nool.

Qorshahaani ayaa waxaa diyaarintiisa iminka wada Wasiirka wasaarada si loo qafiifiyo culeyska shacabka Gedo ka heysta duqeynta cirka, waxa uuna ujeedku yahay in la qafiifiyo duqeynta islamarkaana ay Dowlada Kenya ka fiirsato goobaha shacabka oo ay bartilmaameedka ka dhiganeyso.

Sidoo kale qorshahaani ayaa yimid kadib markii Maamulka Gedo qeyla dhaan usoo diray Dowlada Somalia si wax looga bedelo xaalada ka taagan deegaanada Gobolka.

Dowlada Somalia ayaa isha ka daawaneysa Xasuuqa socda waxaana jiro warar sheegaya in qorshaha hadda ay wado wasaaradu uusan wax ka bedeli doonin go’aanka ay Kenya ku xasuuqeyso shacabka.

Lama oga natiijada kasoo bixi doonta kulanka wafdigaani ay wasaaradu diyaarineyso la qaadan doonaan Dowlada Kenya waxa ayna tani u muuqataa mid lagu ajaraayo shacabka Soomaaliyeed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News