Xog: Xasan oo lagu amray in si degdeg ah uu ugu soo laabto magaalad Muqdisho (SABABTA?)

Muqdisho(Caasimada Online) – War goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Wakiilka cusub ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating uu xiriir qadka Telefoonka ah la sameeyay Madaxweyne Xassan Sheekh oo iminka socdaal ku jooga dalka Jordan.

Danjire Michael Keating ayaa la sheegayaa in Madaxweyne Xassan uu kuwar galiyay in si dhaqsi ah uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho, waxa uuna sidoo kale kuwar galiyay in Madaxweynayaasha maamulada dalka ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.

Mr Michael Keating ayaa sidoo kale la sheegayaa in Madaxweyne Xassan uu ka hakiyay socdaal uu kaga ambabixi lahaa dalka Jordan, waxa uuna Danjiruhu Xassan u sheegay in socdaalkaasi uu dib dhigto islamarkaana uu si dhaqsi ah kusoo gaaro magaalada Muqdisho.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo iminka ku sugan magaalada Muqdisho ayaa Mr Michael Keating u sheegay in suuragal ay tahay in Madaxweyne Xassan uu sii dheereysto booqashada uu ku joogo Jordan, waxa ayna Mr Michael Keating u cadeeyen in Xassan uu kasoo horjeedo la fadhiisigooda.

Dhinaca kale, Mr Michael Keating ayaa walaac gaar ah ka muujiyay dib u dhacdayada uu Xassan Sheekh ku sameynaayo xal laga gaaro Khilaafka Dowlada kala dhexeeya maamulada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com