27.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

XOG: Madasha shirka Jowhar oo si qarsoodi ah looga dhex qeybinaayo Warqado uu leeyahay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Jowhar ayaa sheegaya in madasha shirka ay mar qura isku bedeshay mid taageero hoose loogu raadiyo Musharaxiinta u tartameyso maamulka cusub ee uu dhismihiisu socdo.

Ilo wareed ku sugan madasha uu iminka ka socdo shirka maamulka cusub lagu dhisaayo ayaa inoo xaqiijiyay in Xubno ka tirsan Dowlada Somalia iyo Siyaasiyiin kale ay Ergada maamulka si hoose ugu qeybinayaan inay soo dhaweeyaan madaxweynaha cusub ee uu maamulka yeelan doono waa haddii ay iyagu hirgaliyaan kaasi oo ah Xildhibaan Faarax C/qaadir oo uu wato Madaxweynaha Somalia.

Xubnaha ayaa la sheegayaa in Ergada kuwooda ugu jilicsan ay ku tashkiilinayaan in maankooda ay ku hayaan Faarax C/qaadir, waxaana tashkiilintaasi barbar socta warqado yaryar oo lagu qoray magaca Faarax oo la gudoonsiinaayo Ergada si aysan u ilaabin magaca, sida ay xogtu tibaaxeyso.

Sidoo kale, Xubnaha ka dhex faa’iideysanaaya shirka socda ayaa jahwareer ku riday Ergada shirka oo u badan Odayaal aan aqoon u laheyn waxa uu yahay Faarax C/qaadir iyo reer ahaan halka uu kasoo jeedow, walow ololahaasi uu barbar socdo kulamo gaargaar ah oo Ergada looga gadaayo Faarax C/qaadir.

Dhanka kale, qorshahaani ayaa waxaa ka danbeeya Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Xildhibaan Faarax C/qaadir, waxaana hubaal ah in Faarax C/qaadir uu xiligaani u xuub-siibanaayo Xilka madaxweyninimo ee maamulka Cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News