Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska AMISOM ayaa tababar ciidan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay uga furay ilaa 200 oo dhalinyaro ah.
Ciidankaani cusub ee la tababaraayo ayaa waxa ay isygu jiraan rag iyo dumar kuwaasi oo ay tababarada siinayaan Saraakiil ka tirsan AMISOM.
Ciidamadaani cusub ee la tababaraayo ayaa 180 kamid ah waxa ay yihiin rag halka tirada soo hartayna ay yihiin dumar si loo helo ciidamo isku dhigma oo rag iyo dumarba ka kooban.
Anand Pillay oo ka hadlaayay munaasabada lagu soo dhaweynaayay ciidamada cusub ee tababarka u furmay, ayaa sheegay in askarta tababarka looga furay Magaalada Baydhabo, ay noqonayaan noocoodii labaad, ka dib markii uu sheegay in dhammaadkii sanadkii hore ay tababar ugu soo gaba gabeeyeen 200 oo askari.
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA









