29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Beelaha SADE iyo Ogaadeen oo wada qorshe…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo Arbaca ah uu magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland ka furmo shir u dhexeeya Beesha Sade iyo Beesha uu kasoo jeedo Axmed Madoobe ”Ogaaden”.

Shirkaani ayaa waxaa ku ballansan Wasiirada, Xildhibaanada iyo Odayaasha Beesha Sade iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda dhanka Beesha Ogaaden kuwaasi oo lagu dhex dhexaadin doona shirka.

Xildhibaanada Beesha Sade ugu jira Baarlamaanka Jubbaland ayaa sheegay in shirka uu leeyahay ahmiyad gaar ah islamarkaana uu dhowr jeer sii horeysay baaqday balse iminka uu furmaayo.

Xildhibaanada oo siyaabo kala gadisan ula hadlay TV-ga Jubbaland , ayaa sheegay in shirka xal buux looga gaari doono waxyaabihii horay u dhacay, waxa ayna sidoo kale rajo ka muujiyeen in shirkaasi laga gaari doono guul.

Xildhibaanada Beesha Sade ayaa kuwa Ogaaden ugu baaqay inay kusoo dhawaadan gacmo furan, islamarkaana ay qalbigooda ka saaran wixii horay u dhacay oo Khilaaf ah.

Dhanka kale, Shirkaani ayaa Khilaaf aawgii horay ilaa 4 jeer u baaqday, balse waxa uu iminka u muuqdaa in meesha laga saaray wixii dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News