28.4 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Ahlu-Suna oo Axmed C/Salan u diiday 2 magaalo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maamulka Ahlu sunna ay diideen in magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel tagaan wafdi uu hogaaminayo safiirkii dowlada Soomaaliya ee Ethiopia.

Ciidamo badan oo ka tirsan maamulka Ahlu sunna ayaa la sheegay in la dhigay magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel gaar ahaan garoomada diyaaradaha si wafdigaasi aysan kaga soo dagin magaalooyinkaasi.

Xubno ka tirsan maamulka Ahlu sunna oo ka gaabsaday in magacooda la adeegsado ayaa sheegay in wafdiga Axmed Cabdi Salaan la filayay iney labadaasi magaalo midkood tagaan, balse Ahlu sunna ay ka biyo diiday.

Saraakiisha Ahlu sunna ayaa sidoo kale sheegay in maamulkooda uu ka carooday in xubno aysan ka warqabin kasoo dagaan deegaanada maamulkooda ay ka taliyaan.

Warar kale oo aan heleyno ayaa sheegaya in wafdiga Axmed C.salaan iyo odayaal kasoo jeeda deegaanka ku adkeysanayaan iney tagayaan gobolka Galgaduud, waxaana soo baxaya iney tagi doonaan magaalada Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News