30.1 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Sawirro: Kala carar ka dhacay garoonka Nairobi

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in qadar 30 daqiiqo ah uu hakat galay howlaha ka socday Garoonka Joma Kenyatta ee magaallada Nairobi.

Wararku waxa ay sheegayaan in hakatkaasi uu yimid kadib markii Ciidamada Kenya ay heleen xog muujineysa in mid kamid ah Diyaaradaha dalkeeda ay soo raacday Haweeney looga shakisan yahay in weerar ismiidaamin ah ay ka geysan rabto dalka Kenya, taasi oo kasoo ambabaxday dalka Imaaraadka.

Haweeneydaasi oo qadarka yar oo ay saarneyd diyaarada sameyneysay dhaqdhaqaaq shaki galiyay Howlwadeenada Diyaarada ayaa durbadiiba xiriir la sameeyay Saraakiisha ka howlgasha Xarunta laga maamulo Diyaaradaha ku jira hawada dalkaasi.

Haweeneydaasi oo la sheegay inay kasoo jeedo dalka Syria ayaa waxaa durbadiiba Diyaarada ku dhex qabtay Ciidamada amaanka Garoonka kuwaasi oo gacanta ku dhigay Boorso qurxoon oo ay Haweeneydu wadatay.

Mudada uu socday Howlgalka ma jirin shaqso ka soctay Garoonka, waxa ayna Ciidamadu hakiyeen dhamaan howlihii ka socday Garoonka, ilaa markii danbe ay diyaarada kala baxeen Haweeneyda laga shakisnaa ee goor hore lala soo socodsiiyay Sirdoonka Kenya.

Muddo 30 daqiiqo kadib ayaa waxa ay Ciidamadu dib u fasaxeen howlaha Garoonka, oo argagax ka dhacay.
f04da2db112216c8cfb307

nairobi-kenya-19th-may-2015-kenya-police-service-elite-squad-recce-epncwt

Jomo-Kenyatta-Airport

- Advertisement -

Read more

Local News