28.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Beesha caalamka oo cadeysay mowqifkeeda ku aadan shirka Soomaalida uga furmaya Turkiga

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa ka hadlay shirka la filaayo inuu ka furmo dalka Turkiga kaasi oo looga hadlaayo arrimaha Somalia.

Michael Keating, waxa uu sheegay in Ujeedka shirka Turkiga uga furmi doona madaxda Soomaalida uu yahay inay ku gaaran go’aan hididiilo leh.

Michael Keating, waxa uu tilmaamay in Beesha Caalamka ay shirkaasi ku yeelan doonto xubno matala waxa uuna is weydiiyay su’aal ah waxa uu noqon doono mirro dhalka shirkaasi.

Maamulka Puntland ayuu sheegay inay suuragal tahay in isbedel ay ku sameeyan Mowqifkii ay horay uga gaaren nidaamka 4.5, waxa uuna nasiib darro ku tilmaamay in Puntland ay horumar moodo inay caqabad ku noqoto hanaanka Siyaasada Somalia.

Beesha Caalamka ayuu sheegay inay qaadi doonaan tallaabo lidi ku ah maamulada dalka, haddii uu yiri shirka ka furmi doona dalka Turkiga ay mar kale ku hor istaagaan xal u helida isku soo dhawaanshaha Dowlada iyo maamulada dalka.

Dhanka kale, Michael Keating waxa uu cadeeyay in Beesha Caalamku ay ku taagnaan doonto Mowqifkii ay horay u wada gaaren Dowlada Somalia iyo Beesha Caalamka waxa uuna sheegay in kaliya shirka ay ka filayaan isbedel ku imaada go’aanka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News