27.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Wasiir ka tirsan DF Somalia oo qarax lala eegtay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta Qarax lagu weeraray kolonyo gaadiid oo uu hogaaminaayay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Somalia Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini.

Kolonyada Wasiirka la soctay ayaa Qaraxaasi la kulmay xili ay kasoo baxeen Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo.

Qaraxa oo ahaa Bam lagu aasay wado lagu soo galbinaayay Wafdiga Wasiirka oo ku taalla nawaaxiga Garoonka Kismaayo, ayaa waxa uu khasaaro dhaawac ah kasoo gaaray ilaa Afar qof oo shacab ah oo meesha ka dhawaa.

Ujeedka socdaalka Wasiir Diini iyo Xubnaha uu hogaaminaayo ayaa ah sida ay ugu biiri lahaayeen shirka dib u heshiisiineed ee ka soconaya Magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale, Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka soconayay shir dib u heshiisiineed oo ay leeyihiin qaar ka mid ah beelaha ka soo jeeda Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo , shirkaasi oo lagu xalinaayo Khilaafyo u dhexeeya mas’uuliyiin kasoo kala jeeda Beelaha uu shirka u socdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News