30.9 C
Mogadishu
Thursday, May 28, 2026

Xog cusub: Gen. Gabre oo Faarax Cabdulqaadir hordhigay laba fursad oo ka fiirsasho u baahan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa iminka sii xoogeysanaaya xiriirka Siyaasadeed ee ka dhexeeya Dowlada Ethiopia iyo Xildhibaan Faarax C/qaadir oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia.

Xiriirka Dowlada Ethiopia kala dhexeeya Faarax C/qaadir, ayaa waxaa dhanka magaalada Muqdisho ka daadihinaaya Jen. Gebra oo Ethiopia u qaabilsan kala geynta Siyaasiyiinta Soomaalida iyo guud ahaanba Beelaha Soomaaliyeed.

Jen. Gebra oo ka duulaaya wadashaqeynta kala dhexeysa Faarax, ayaa waxa uu usoo bandhigay 2 fursad oo midi looga baahan yahay inuu doorto Faarax C/qaadir.

Fursada koowaad ayaa ah in Faarax C/qaadir uu go’aan ku gaaro in Dowlada Ethiopia ay garab ku siineyso madaxweynenimada maamulka dhawaan loo dhisi doono Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Fursada labaad ayaa la sheegayaa in Faarax looga fadhiyo inuu doorto in laga qeybgalin doono Doorashada dhawaan ka dhici doonto dalka Somalia, si uu u bedelo Madxaweyne Xassan Sheekh oo qudhiisu ah musharax mar kale u tartamaaya doorashada.

Jen. Gebra ayaa isagu doonaaya in Faarax C/qaadir uu noqdo Madaxweynaha Somalia, si ay Dowlada Ethiopia u dhameystirto danaha kaga xiran Somalia.

Sidoo kale, Faarax C/qaadir ayaa lasoo dheegayaa in shaqsi ahaantiisa uu ku qanacsan yahay inuu ka qeybqaato doorashada maamulka cusub ee loo dhisaayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Ilo ku dhow dhow Faarax ayaa inoo xaqiijiyay in Dowlada Ethiopia ay ballanqaad adag ay u sameysay Faarax, balse xulashadaani labada fursad ay tahay mid ikhtiyaar lagu siinaayo.

Docda kale, Dowlada Ethiopia ayaa ku taameysa in mar qura Somalia uu Madxaweyne ka noqdo shaqsi iyada adeege u ah si ay ugu sahlanaato danahooda ku aadan Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News