27.7 C
Mogadishu
Thursday, May 14, 2026

Xog: M. Keating iyo Axmed Siilaanyo oo kulmay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in magaaladaasi uu tagay wakiilka gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliiya Micheal Keating.

Safarka wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu ku tagay magaalada Hargeysa oo ahaa mid aan horey loo shaacin ayaa kadib markii uu kulamo la qaatay madaxda maamul goboleedyada dalka Soomaaliya.

Keating ayaa kulamo la qaadanaya madaxweynaha maamulka Somaliland iyo xubno kale oo maamulkaasi ka tirsan kuwaasi oo kusoo dhaweeyay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Waa safarkii ugu horeeyay oo uu ku tago magaalada Hargeysa tan iyo markii xilkaasi loo dhiibay, waxaase kaga horeeyay Nickolas Kay oo  horey u tagay magaalada Hargeysa.

Waxyaabaha ugu waaweyn oo ay ka wada hadlayaan Keating iyo Siilaanyo ayaa ah arimaha siyaasada Soomaaliya iyo horumarinta.

Abaaro daran ayaa haatan ka jira deegaanada Somaliland, waxaana laga yaabaa in Siilaanyo uu kusoo hadal qaado wakiilka QM ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News