Beledweyne (Caasimada Online)- Wasiirka arimaha gudaha dowlada Soomaaliya ayaa waji gabaxii labaad kala kulmay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolka Hiiraan, kadib markii uu damcay inuu la kulmo odayaasha dhaqanka.
Warar aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka ee beesha Xawaadle ay diideen qaarkood iney la kulmaan wasiirka arimaha gudaha dowlada Soomaaliya.
Qaar kamid ah waxgaradka magaalada Beledweyne ayaa sheegay in wasiirka aysan la kulmi doonin ilaa looga balan qaado in la raaci doono aragtida ay wadaan, maadaama ay horey u diideen aragtida wasaarada arimaha gudaha.
Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa magaalada Beledweyne u jooga inuu qanciyo waxgaradkii kasoo tagay magaalada Jowhar ee diiday shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Sidoo kale dowlada Soomaaliya ayaa xubno u dirsatay magaalada Jowhar si loo qanciyo beelaha, waxaana socdo dadaalo markale shirka dib loogu furayo.
Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
[email protected]

