27.6 C
Mogadishu
Thursday, May 14, 2026

Warbixin: Dagaal ka dhacay magaalada Cadaado

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online)-Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxayso dagaal ka dhacay magaalada Cadaado ee gobolka Mudug kaasi oo u dhaxeeyay ciidamo ku wada sugnaa magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka wuxuu ka dambeeyay kadib markii ciidamo ka tirsan booliska maamulka Galmudug ay xirteen  ku dhow saldhiga degmada Cadaado, waxaana ka carooday ciidamo ka tirsan daraawiishta maamulkaasi.

Saraakiisha amaanka ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in dagaalka uu socdo muddo kooban, kaasi oo la sheegay inuu qalqal geliyay shacabka ku nool magaalada Cadaado ee gobolka Mudug.

C/nuur Macalin, taliyaha ciidamada booliska ee magaalada Cadaado ayaa sheegay in dagaalka ciidankooda lagu sooq aaday ayna iska difaaceen weerar naftooda lagu ahaa, sida uu hadalka u dhigay.

Labo kamid ah ciidamada daraawiishta maamulka Galmudug ayaa ku dhaawacantay dagaalka ka dhacay magaalada Cadaado ee gobolka Mudug, sida uu sheegay taliyaha ciidamada booliska.

Xiisad ayaa ka taagan magaalada Cadaado, waxaana dagaalka uu kusoo aadayaa iyadoo shalay uu tagay magaalada C/kariin Xuseen Guuleed madaxweynaha Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News