28.9 C
Mogadishu
Thursday, May 28, 2026

Madaxweyne Tiiceey oo lagu xukumay xabsi…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Bruges (Caasimada Online) – Maxamed Cabsi Xasan oo loo yaqaan Afweyne oo muddo seddex sano ku xirnaa dalka Belgium-ka ayaa lasoo taagay maxkamad ku taala dalkaasi, waxaana la sheegay in lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah.

Maxkamad lasoo taagay Maxamed Cabdi Afweyne ayaa ku eedeysay inuu hogaaminayay koox burcad badeed ah oo afduubatay markab ay la socdeen shaqaalo dalkaasi u dhashay sanadkii 2009.

Afweyne ayaa sidoo kale ku eedeysnaa inuu hogaan u ahaa kooxda burcad badeeda Soomaalida, waxaana horey ugu eedeysay Qaramada Midoobay.

Maxkamada dalka Belgium-ka ee ku taala deegaanka Bruges ayaa 58 sano jirkan ku xukuntay 20 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu eedeeyay inuu masuul ka ahaa afduubkii loo geystay markabka Pompei xili uu marayay xeebaha Soomaaliya.

Markabka ayaa xiligii la afduubanayay ku wajahnaa dalka koofur Africa.

Wararka ayaa sheegaya in Afweyne sidoo kale lagu helay dambi ah inuu sameeyay jirdil loo geystay shaqaalaha markabka.

Markabka lagu magacaabo Pompei oo ay la socdeen 10 xubnood oo badmaaxiin ah ayaa afduub ahaan loogu heystay Soomaaliya inka badan 70 maalmin, waxaana lagu sii daayay madax furasho gaareysa 2 milyan oo doolar.

Maxkamada ayaa sheegtay in Afweyne uu racfaan ka qaadan karo xukunka, waxaana sidoo kale lagu amray inuu bixiyo 20,000 oo Yuuro oo la siinayo qoyska kabtanka markabka waday.

Sidoo kale waxaa xabsi shan sano ah lagu xukumay Maxamed Cabdulaahi Aadan tiiceey madaxweynihii Ximan iyo Xeeb, kadib markii lagu eedeeyay inuu door ku lahaa arimaha burcad badeednimada, balse waxaa u dhamaaday waqtiga lagu xukumay marka loo eego seddex sano oo uu ku xirnaa dalka Belgium-ka.

Caasimada Online
Xafiiska Belgium
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News