Beledweyne (Caasimada Online) – Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Odowaa ayaa xujo adag kala kulmay odayaasha dhaqanka ee gobolka, kadib kulan gaar ah oo ay la qaateen oo ka dhacay magaalada Beledweyne.
Odayaasha dhaqanka ayaa wasiirka u sheegay ineysan marnaba ku qanci doonin qorshaha wasiirka arimaha gudaha iyo wafdigiisa ay doonayaan, ilaa sida ay doonayaan loo yeelo.
Odayaasha ayaa wasiir Odowaa soo hordhigay balamo badan oo looga baxay kadib kulamo ay la qateen madaxweynaha Soomaaliya iyo wasiiro ka soo jeedo gobolka oo ka dhacay Beledweyne.
Wasiir Odowaa ayaa isku dayay in odayaasha wax tabanayo uu qanciyo balse kulamo aan la isku fahmin ayaa xalay magaalada ka dhacay, inkastoo wali kulamo kale ay socdaan.
Odayaasha waxay sidoo kale wasiirka hordhigeen iney tagayaan Jowhar haddii lagu wareejiyo dhaqaalaha loogu talo galay dib u hishiinta Reer Hiiraan, loona cadeeyo tirada rasmiga ah ee ay ka heleyaan ergooyinka shirka.
Sidoo kale waxay soo jeediyaan in shirka faragalinta laga daayo oo ay ku hayaan xubno dowlada ka tirsan oo qaarkood u hanqal taagaya helida kursiga maamulka hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

