26.3 C
Mogadishu
Thursday, May 28, 2026

Khasaaraha dagaalka Nugaal iyo 72 saac oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online)- Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soocade oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa ka hadlay dagaalada maanta ka dhacay duleedka deegaanka Garmaal ee gobolka Nugaal.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamadooda ay guulo ka gaareen dagaalada dhacay ayna ku qabsadeen deegaano badan.

Wasiir Soocade, wuxuu sheegay in ciidamad ay ku dileen dagaaladii maanta dhacay ku dhawaad 11 ruux oo kamid ah ciidamadii shalay qabsaday deegaanka Garmaal.

Sidoo kale wasiira wuxuu sheegay in ciidamada maamulka Puntland muddo 72 saac ay kusoo afjari doonaan dagaalada ka dhanka ah ciidamada qabsaday deegaanada dhaca dhanka xeebta ee Nugaal iyo Bari.

Si faahfaahsan looma khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay maanta deegaanka Garmaal ee gobolka Nugaal.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News