26.7 C
Mogadishu
Thursday, May 28, 2026

Warbixin: Ciidamada Puntland oo gudaha u galay deegaanadii ay ku dhuumanayeen Maleeshiyada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) –Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaalka wali ka socda Ciidamada maamulka Puntland iyo Maleeshiyaadka ku duulay deegaanada Puntland, gaar ahaan kuwa hoostaga Gobolka Nugaal.

Ciidanka militariga Puntland ayaa lasoo sheegayaa in goordhow ay gudaha u galeen deeganka toga Suuj gaar ahaan halka difaaca u ahayd Maleeshiyaadka duulaanka ku ah Puntland.

Ciidamo ka tirsan maamulka oo gurmad u ah kuwa jiida ku jira ayaa ku dhiiraday inay jiiraan buuraha iyaga oo qeybo kamid ah buuraha gudaha ugalay.

Dagaalka hadda socda ayaa waxaa lagu dilay tirro badan oo ka tirsan dagaal-yahannada kuwaasi oo meydadkooda ay iminka buuxaan banaanka sare ee Goobaha ay iminka ku dhuumaleysanayaan.

Warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in Ciidamada maamulka ay goordhow gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah dagaal-yahannada weerarka ku ah Puntland ee galay toga deegaanka Suuj ee gobolka Nugaal.

Dagaalka ayaa waxa uu hadda xoogiisa ka socdaa buuraha Suuj iyo hareeraheeda, waxaana la maqlayaa Hub culus oo ay is weydaarsanayaan labada dhinac.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka,mana jirto wax war ah oo maamulka Puntland ay ka soo saartay howlgalka ay ciidanka Puntland ku gaaren goobaha ay ku dhuumanayeen dagaal-yahannada.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News