Adis Ababa (Caasimada Online) – Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ilaa iyo hadda ka hadlin biyo xireenka dowlada Ethiopia ay ka sameysay deegaano ka tirsan dhulka Soomaaliya gaar ahaan deegaanka ay maamulaan ee GODEEY.
Biyo xireenada oo gaaraya ilaa afar ayaa sababay in gabi ahaanba dowlada Ethiopia ay leexiso biyaha wabiga Shabeele oo ay ka faa’ideysan jireen kumanaan kun oo Soomaaliya oo ku nool gobolada koofureed ee dalka Soomaaliya.
Arinta biyo xireenka ayaa sida laga dheehan karay hadalada dadka kasoo jeeda dhulka Soomaaliyeed oo Ethiopia ay xooga ku heysato wuxuu ahaa dardaarankii uu horey u bixiyay ra’iisul wasaarihii Ethiopia ee Melez Zenawi.
Mid kamid ah odayaasha dhaqanka deegaanka GODEEY oo talefishinka Soomaalida la hadlayay ayaa sheegay in ra’iisul wasaarihii hore ee Ethiopia uu sheegay in biyaha wabiga Shabeele ay ka faa’ideystaan Soomaalida balse iyaga ay ka baahan yihiin.
Dhawaan warbixin aan daabacnay ayaa muujineysay qorshihii uu ra’iisul wasaaraha Ethiopia u dajiyay mandiqada oo ay kamid aheyd Soomaliya, Masar iyo dalal kale .
Dowlada Soomaaliya ayaa kaalmo weydiisatay beesha caalamka si loogu gargaaro dadka abaaraha ay saameeyeen, iyadoo aysan ka hadlin talaabada Ethiopia ay ku xiratay biyaha.
Kaliya gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa warbaahinta u sheegay iney tuhmayaan in Ethiopia biyaha xiratay, isagoo markaasi aan cadeyn heynin, laakiin hadda wey cadaatay in biyaha Ethiopia ay leexsatay.
Caasimada Online
Xafiiska Ethiopia
[email protected]

