Garoowe (Caasimada Online) – Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo kamid ah Ugaasyada ay ka go’do tallada Gobolka Hiiraan ayaa si faahfaahsan uga hadlay sababta ka danbeysay in lagu kala boodo shirkii u dhexeeyay Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud iyo Odayaasha Gobolka Hiiraan oo uu isaga qeyb ka ahaa.
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo siyaabo kala duwan ula hadlay warbaahinta maxaliga iyo boqolaalkii shacab ee dhigay dibad-baxyada ayaa sheegay in ka Odayaal ahaan ay aad u jecelyihiin in mar waliba ay la shaqeeyaan Dowlada Somalia, balse dhibta ugu weyn ay tahay in go’aan la gaaro hadana dib looga baxo, taasi badalkeedana ay go’aansaden in wax cad lagu kala baxo si aan u dhicin khilaaf danbe oo u dhexeeya Dowlada iyo Odayaasha Hiiraan.
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, ayaa sheegay in madaxweynaha Somalia ay kawada hadleen saddex qodobo oo kala ah:-
1-Dib u hishiisiin, In gobolka Hiiraan la siiyo xaqa Toddobadii Gobol kale ee Soomaaliya ay heleen.
2-In Soomaalidu wax ku Qaybsato siddeedii gobol ee Soomaaliya.
3-Qodobka saddexaad oo ahaa in gogosha shirka dhismaha maamulka labada gobol loo soo wareejiyo magaalada Beledweyne.
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, waxa uu sheegay in kala boodka labada dhinac uu yimid kadib markii Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uusan wax jawaab ah ka bixin 3 qodob oo ay miiska la tageen, waxa uuna tilmaamay in dhankooda ay diyaar u yihiin muujinta tanaasul xad ah, balse ay Dowladu wali ku adkeysaneyso qaabka ay wax u wado.
Ugaaska oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa yiri “Madaxweyne Xassan waxaan usoo bandhignay kaliya sida aan wax u rabno oo aan kusoo qeexnay ilaa Seddeex qodob, waxaan u sheeganay saddexdii qodob ee aan ka wadahadalnay ra’isul wasaaraha siddexdii qodob ee aanu hordhignay wax jawaab ah nagama siin sidaa ayaana ku kala tagnay,”
Haddalka Ugaas Xassan Ugaas Khaliif, ayaa imaanaya xili kala aragti duwanaansho ceynkaani ah ay dhexmartay todobaadkii tagay Odayaasha Beelaha Hiiraan, Ra’isul wasaare Sharmaarke iyo Xubnihii la socday, waxa uuna kulankaani noqonayaa kii labaad oo dhexmara Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Max’uud iyo Odayaasha Gobolka Hiiraan.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

