Garoowe (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Xarunta madaxtooyada Puntland ee Garowe, ayaa sheegaya in halkaasi uu iminka ka socdo shir ay dibad joog ka yihiin bahda Saxaafada.
Shirka ayaa waxaa lasoo warinayaa inuu u dhexeeyo Xukuumada Somalia iyo maamulka Puntland oo ay wehlinayaan Tirro Odayaal dhaqmeed ah, kaasi oo looga doodaayo arrimaha la xiriira 4.5.
Shirka xoogiisa ayaa ah sida madaxda iyo odayaasha maamulka loogu qancin lahaa inay qaataan nidaamka 4.5.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Ra’isul wasaare Cumar uu shirka ka cadeeyay in Xukuumadiisa aysan Puntland jecleysan inay ka tagto iyaga oo aan aqbalin nidaamka 4.5 in loo isticmaalo qaabka lagu soo xulaayo Xildhibaanada dooran lahaa Madaxweynaha cusub.
Shirka iminka dibad jooga ay ka yihiin Saxafiyiinta ayaa waxa uu u muuqdaa in Ra’isul wasaare Cumar uu usoo qalab qaatay islamarkaana uu diirada saaraayo sidii magaalada Garoowe uu kala soo laaban lahaa guulo la taabankaro.
Cumar Cabdirashiid oo la sheegay inuu Puntland u yimi sidii uu ugu qancin lahaa 4.5ka ayaa ku gudo jira shirar uu la leeyahay madaxda iyo siyaasiyiinta Puntland, kuwaas oo hor dhacoodu fashil qarka u saaran.
Dhinaca kale, Madaxda, Siyaasiyiinta, Isimada iyo Ururada bulshada Puntland ayaa horay si isku mid ah u diiday in doorashada Soomaaliya 2016 Xildhibaanada lagu soo xulo 4.5, waxayna tilmaameen inay ogol yihiin oo kaliya in Baarlamaanka lagu soo xulo nidaamka degmo si loola xisaabtami karo Xildhibaanada iyo Baarlamaanka dalka.
Ma cadda natiijada kasoo bixi doonta shirka leysku habeensaday oo iminka ka socda Madaxtooyada Puntland.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

