Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in galabta ay magaalada Garoowe ku kulmaan Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Odayaasha maamulka Puntland.
Kulanka ayaa la sheegayaa inuu dalbaday Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid, ka gadaal markii Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas uu ku xujeeyay in marka hore nidaamka 4.5 uu ku qanciyo Odayaasha maamulka.
Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo ah Afhayeenka Isimada Puntland, ayaa sheegay in mowqifkooda aysan marnaba uga tanaasuli doonin Ra’isul wasaaraha dalka, waxa uuna Garaadka carab dhabay in Sharmaarke ay u cadeyn doonaan inaysan rabin 4.5.
Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo la hadlaayay Warbaahinta maxaliga ah ayaa sidoo kale sheegay in aragtidooda ay tahay in ay u shegaan inay taagan yihiin mawqifkii ay ka istaageen markii garoowe ay yimaadeen xubnaha ka socday Beesha caalamka, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Puntland aysan diyaar u aheyn in lagu xakumo nidaam salka ku haya 4.5.
”Anagu ka odayaal ahaan waxaan ku taaganahay mowqifkii ahaa in doorashada Somalia loo rogo dhan deegaan, haddii xukuumadu ay ku adkeysato 4.5 dabcan ma aqbali doono”
Kulanka Ra’isul wasaaraha iyo Odayaasha ee la filaayo inuu dhaco galabta ayaa waxaa lagu wadaa in leysku weydaarsan doono aragtiyaha kala duwan oo ay kala heystaan DF iyo Puntland.
Lama oga waxa kasoo bixi doona kulanka, waxaana suuragal ah in Ra’isul wasaare Sharmaarke uu Garoowe kasoo laabto isaga oo aan wadin natiijadii laga filaayay ee aheyd in reer Puntland uu ku qanciyo ka tanaasulida 4.5.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

