Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shir natiijo la’aan ku dhamaaday la qaatay qaar kamid ah Ugaasyada iyo waxgaradka gobolka Hiiraan oo uu doonayo inuu ku qanciyo ka qeybgalka shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka ay isaga baxeen shirka madaxweynaha ay la qaadan la qaadan lahaayeen, kadib markii ay ku qanci waayeen dalab kaga yimid madaxweynaha.
Wararka ayaa sidoo kale in madaxweynaha uu ka dalbaday odayaasha dhaqanka inuu mid mid ula kulmo si uu u qanciyo, laakiin waxay odayaasha kasoo horjeesteen arintaasi oo waxay doonayeen iney si wadajir ah ulakulmaan.
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo odayaasha dhaqanka horkacayay ayaa la sheegay inuu ka carooday arintaasi ayna isaga baxeen shirka.
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa waddo dadaalo uu odayaasha dhaqanka ugu celinayo ka qeyb galka shirarka magaalada Beledweyne.
Dadka maanta banaanbaxay ayaa kasoo horjeeday shirka maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
[email protected]

