26.8 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Sawirro: Xog ka cusub rabshadihii Beledweyne.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo shirarka maalmahaan ka dhacayay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan iyo hadaladii kasoo baxay masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada Beledweyne.

Banaanbaxa oo ka dhacay xarumaha maamulka gobolka Hiiraan oo ay ku sugan yihiin wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa dhigay shacabka gobolka Hiiraan.

Dadka banaanbaxa dhigay ayaa la sheegayaa iney waxyeelo u geysteen ciidamada dowlada Soomaliya ee kusugan magaalada Beledeyne ee gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in seddex kamid ah dadka banaanbaxa dhigayay ay ku dhaawacmeen rasaas ay fureen ciidamada dowlada SOomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka gobolka ay rasaasta fureen halka wararka kale ay sheegayaan in ciidamada ilaalada u ah madaxweyne Xasan Sheikh ay rasaasta ku fureen dadka banaanbaxa dhigaya.

Bananbax-Baladweyne-iyo-saddex-dhawac-131 Bananbax-Baladweyne-iyo-saddex-dhawac-121 Bananbax-Baladweyne-iyo-saddex-dhawac-111 Bananbax-Baladweyne-iyo-saddex-dhawac-14 12910790_1116115595094700_81388014_n 12910240_1116115581761368_1307840342_n 12910229_1116115578428035_2084703308_n 12884624_1116115585094701_536304868_n 12884501_1116115591761367_722984050_n 12596387_1116115575094702_1644308316_n 11099720_1116115571761369_495789597_n

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News