26.8 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Xog: Shir gaar ah oo u bilowday Faroole iyo CCC

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Kulan gaar ah oo u dhaxeeya madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada Garowe ee maamulka Puntland.

Cumar C/rashiid ayaa doonaya in siyaasiyiinta ka soo jeeda Puntland uu ka dhaadhiciyo qaadashada nidaamka 4.5 oo hore ay u wada mucaaradeen, waxaana uu ka bilaabay kulamo uu la qaday C/raxmaan Faroole.

Xogta aan heleyno waxay sheegeeysaa in Faroole iyo Cumar C.rashiid ay ka wada shirayaan sidii Faroole u aqbali lahaa go’aanka dowlada Soomaaliya, maadaama C.welli Gaas culees ka saaran yahay siyaasiyiin uu Faroole kamid yahay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa u tagay magaalada Garowe sidii uu ugu qancin lahaa madaxda Puntland qaadashada go’aankii ay wada gaareen madaxda dowlada Soomaaliya iyo maamul goboleedyada qaar.

Madaxweyne Faroole wuxuu horey u diidey soo jeedintii Beesha Caalamka, Dawladda Faderaalka iyo Daneeyaasha Siyaasada oo ahayd in lagu laabto Nidaamka 4.5, wuxuuna cadeeyey in aysan Soomaaliya u baahneyn nidaamkan.

Lama oga waxyaabaha kasoo bixi kara kulanka u dhaxeeya madaxweynihii hore ee Puntland iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News