24 C
Mogadishu
Monday, February 9, 2026

Xog: CC oo Gaas ku qanciyey 4.5 iyo Garoowe…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada online) – Magaalada Garowe wararka aan ka heleyno ayaa sheegaya in maanta uu shir ka furmayo magaaladaasi, kaasi oo u dhaxeeya madaxweynaha maamulka Puntland C/Welli Maxamed Cali gaas iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Cumar C/rashiid Cali ayaa kulanka uu la qaadanayo madaxweyne Gaas waxaa diirada lagu saarayaa arimaha siyaasada Soomaaliya iyo doorashooyinka qaranka dalka ee dhacaya dhamaadka sanadkaan.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya wasiiro ka tirsan maamulka Puntland iyo xukuumada Soomaaliya waxaana la filayaa in go’aano cad laga soo saaro shirkaasi.

Xogta aan heleyno ayaa sheegaya in Cumar C/rashiid uu la kulmay xalay madaxweyne Gaas ayna qaateen shir gaar ah oo hordhac u ahaa shirk maanta furmaya.

Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Cumar C/rashiid uu doonayo in madaxweyne Gaas ku qanciyo qaadashada ama taageerida go’aankii ay wada gaareen dowlada Soomaaliya iyo maamul goboleedyada kale ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News