26.4 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

Ajaaniib ku biireysa shirka CC iyo C/Welli Gaas

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa la filayaa iney maanta tagaan wakiilo ka socdo beesha caalamka kuwaasi oo ku biiraya shirarka ka dhacaya magaalada Garowe ee looga hadlayo qancinta C/welli Gaas.

Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ayaa sheegaya in madaxweyne Gaas uu wali ku dhagan yahay go’aankiisii hore, waxaana ra’iisul wasaaraha uu labadan habeen magaalada ka waday kulamo kala duwan.

Wakiilo u badan danjirayaal kusugan magaalada Muqdisho ayaa la filayaa iney ku biiraan shirarka lagu qancinayo maamulka Puntland ee diidan in nidaamka 4.5 lagu soo dhiso aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Diplomaasiyiinta ayaa la filayaa inay madaxda Puntland u gudbiyaan farriin ay ka wadaan beesha caalamka, oo ku baaqayo inuu muhiim yahay tanaasulka Puntland si loo sii ambaqaado tubta doorashooyinka Somalia.

Wakiilada ayaa sidoo kale kulamo gaar ah la qaadan doono ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, madaxweynaha Puntland iyo siyaasiyiin reer Puntland ah oo uu kamid yahay madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/raxmaan Faroole.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News