Boosaaso (Caasimada Online) – Qaar kamid ah kaluumeysata xeebaha magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa cabasho ka muujiyay dhibaato ay sheegeen iney ku qabaan qalab hayada beeraha Qaramada Midoobay ay dhigtay xeebaha magaalada Boosaaso.
Qalabkaasi ayaa loogu sheegay markii hore kaluumeysatada inuu sahlayo in kaluunka uu kusoo dhawaado dhanka xeebta oo aysan meelo fog fog ka doonan, balse ma aysan dhicin.
Gudoomiyaha gudiga kaluumeysatada magaalada Boosaaso oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in xeebta magaalada Boosaaso aysan laheyn wax kaluun badan uuna yaraaday kaluunkii badnaa ee lagu yaqaanay.
Maxamuud Cabdi Cismaan oo ah gudoomiyaha gudiga kaluumeysatada Boosaaso ayaa sheegay in ciidamada NATO ay sidoo kale dhib ku qabaan kaluumeysatada xeebaha Boosaaso ka jilaabta.
”Qalabkaan Sadex xabo ayaa la dhigay Boosaaso iyo nawaaxigeeda, waxaana ay taasi keentay in kaluunkii cararo, waxaa la isku ogaa in qalabka markii la dhigayo loo sameeyo xaflad oo warbaahintu ka qaybgasho taas ma aysan suuroobin oo xiliga la dhigay aysan cidna ma ogayn” Ayuu Yiri Gudoomiyaha Iskaashatada Kaluumaysatada Boosaaso.
[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/03/Nato.mp3″]
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

