Boosaaso (Caasimada Online) – Shir ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa waxaa laga soo saaray sharuudo cusub oo lagu soo rogay dadka kasoo jeeda gobolada koofureed ee dalka Soomaaliya, kuwaasi oo u badan dadka kasoo jeeda Baay iyo Bakool.
Kulanka ayaa waxaa lagu go’aamiyay in warqado aqoonsi loo sameeyo dadka kasoo jeeda gobolada Koofureed kuwaasi oo la cusbooneysiinayo seddexdii bilba hal jeer.
Saraakiisha maamulka Puntland ee gobolka Bari ayaa sheegay in ujeedada loo soo saaray amaradaasi yihiin in lagu xaqiijiyo amaanka deegaanada gobolka Bari.
Awaamiirta amni ee soo baxday ayaa kala ah:-
1:- In dadka Barakacayaashaa & kuwa ganacsiga haysta ee ka yimid koonfurta Soomaaliya ay qaadanayaan kaar 3 bilood ba mar la cusboonaysiinayo.
2:- dadka Puntland ee Boosaaso degan ayaa lagu amray inay qaataan kaarka aqoonsiga muwaadinimo ee Puntland.
3:- Gaadiidlayda Dekada Boosaaso ka shaqaysata oo lagu amray inay qaataan kaarka.
4:- Dekada Boosaaso oo loo diiday in gudaha loo la galo Istaafyo.
5:- Hoteelada Boosaaso oo lagu amray inaysna ka kirayn karin qof aysan aqoon.
Caasimada Online
xafiiska Bari
[email protected]

